Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Labaad oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Howlaha guud iyo Wasiirkii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, iyo Wasiirkii hore ee wasaaraddaas, Mudane Cilmi Maxamed Nuur.

Mudane Jibriil, ayaa Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu dardargeliyo howlaha horyaalla wasaaradda, isaga oo uga mahadceliyey Wasiirkii hore shaqadii uu dalkiisa u soo qabtay muddadii uu xilka hayey.

Dhankiisa, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa ballan-qaaday in uu si hufan u gudan doono waajibaadkiisa, isla markaana uu sii amba-qaadi doono qorshayaasha horumarineed ee wasaaradda.

——DHAMMAAD——