𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹-𝗺𝗮𝗿𝗶𝘆𝗲𝘆 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶𝗴𝗮 𝘅𝘂𝗾𝘂𝘂𝗾𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗿𝘂𝘂𝗿𝘁𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟭𝟬, 𝗔𝘂𝗴𝘂𝘀𝘁, 𝟮𝟬𝟮𝟯: — Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

Hindise Sharciyeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ah mid ilaalinaya xuquuqda caruurta Soomaaliyeed, meeshana ka saaraya wax walba oo ku xadgudbaya xuquuqdooda.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgalka kooxaha Khawaarijta ah lagu ciribtirayo ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Golaha ayaa bogaadiyey billowga wajiga labaad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo meelaha kale ee ay ku harsan yihiin.

Sidoo kale, Golaha ayaa la horkeenay warbixinno la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka & Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

Flickr

https://www.flickr.com/people/opmsomalia/

instagram:

opmsomalia