๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฆ๐๐๐ฅ-๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐ก๐ ๐ฑ๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐ข๐๐๐ฒ๐ฌ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐๐ฅ
Muqdisho, Khamiis, 23 Abriil 2026: – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel oo hoos tagta Xafiiska Raโiisal Wasaaraha, una xilsaaran isku duwidda, mideynta, jaangooynta, iyo horumarinta adeegyada dadweynaha ee Dowladda Federaalka, si muwaadinku uu u helo adeegyo kala duwan oo isku xiran.
Xarunta Adeeg Bixinta ee Halmeel, ayaa u-astaysan isku duwidda adeegyada dowladda iyo mideyntooda, dib-u-habeynta adeegyada adag iyo yareynta lakab-xafiiseedka, fududeynta xog is-dhaafsiga u dhexeeya heyโadaha dowladda si muwaaddinku uga maarmo in uu hal-xog marar kala duwan iyo goobo kala duwan ku bixiyo.
Kulanka oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Heshiis hoos yimaada Qaramada Midoobay ee sharciga Badaha (Unclose) ee ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee aagga ka baxsan awoodda Qaran (BBNJ Agreement).
Golaha ayaa intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, maaliyadda iyo xaaladda Wabiyada dalka oo ay daraasad iyo warbixin dhamaystiran kasoo gudbisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan kadib markii warbixintii amniga ee lasoo bandhigay ay muujisay in amniga dalka uu si weyn usoo hagaagay, si weyna hoos ugu dhaceen falalkii amni darada guud ahaan dalka.
โ DHAMMAAD โ
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: media@opm.gov.so
Tel: +252 771 770 958
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia
X (Twitter): https://x.com/somalipm
Flickr: https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Instagram: https://www.instagram.com/opmsomalia
YouTube: https://www.youtube.com/@opmsomalia9471
Website: https://www.opm.gov.so