Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo Xilalka u Kala Wareejiyay Agaasimeyaasha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Kuna Adkeeyay Doorka Muhiimka ah ee Amniga iyo Adeegyada Muwaadiniinta

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta Xilka u kalawareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Khaasim Yuusuf iyo Agaasimihii hore Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Munaasibadda xilwareejinta ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyo halbeegyada mudnaanta leh ee la hirgelin doono mustaqbalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ay ka mid tahay unugyada muhiimka ah ee sugidda amniga iyo la-socodka dhaqdhaqaaqyada Soohdimaha dalka iyo gundhigga adeegyada asaasiga ah ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan adeegyada baasabboorka iyo dukumiintiyada socdaalka oo ay hay’addu si weyn u ga baahi tirtay shacabka.