๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐บ๐ฒ๐ฒ๐น ๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐๐ฒ๐ ๐ต๐ฒ๐๐ต๐ถ๐ถ๐๐๐ผ ๐บ๐๐ต๐ถ๐ถ๐บ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ต
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฏ๐ญ,๐๐๐ด๐๐๐ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ–Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaaraha Dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadley amniga guud ee dalka, iyada oo lagu meel-mariyey Heshiisyo is afgarad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Heshiisyadan ay wada gaareen labada dowladood ee uu goluhu meelmariyey, ayaa la xiriira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah.
Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka ee cadowga lagu baacsanayo, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dabargoynta kooxda Khawaarijta ah in loo midoobo.
#OPM
#SifeyntaKhawaarijta
#SooqaboKhawaarijka
#hakaharinhowgalka
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia