๐๐จ-๐ฆ๐๐ ๐๐๐ ๐ฅ๐’๐๐๐ฆ๐จ๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐ข๐ข ๐๐จ๐ฅ๐๐ฌ ๐๐จ๐๐๐ก ๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ฆ๐จ ๐ฆ๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ฌ๐ข ๐ข๐ข ๐๐ข๐ข๐๐ ๐๐๐๐๐๐ฌ๐ข๐ซ๐๐ฆ๐๐๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐ฌ๐ข ๐ฆ๐ข๐ข ๐๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ก๐ก๐๐๐ ๐๐ ๐ซ๐ข๐ฅ๐๐๐ฌ๐๐ฌ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฎ๐ฎ ๐๐๐๐ป, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ— Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha ahna Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay Kulan Heerkiisu Sarreeyo oo looga hadlayo Xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.
Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-gurayaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.
Mudane Saalax oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray kooxaha Khawaarijta ee u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.
Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo Xasillinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibbada Caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaasi.
–DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia