๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ญ๐ฑ, ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada, haatanna ay ummadda Soomaaliyeed goโaansadeen in ay iska dulqaadaan culeyska argagixisada Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu caawa ka hadlayay Munaasabad lagu soo bandhiggayey Filim ka hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in xilli dhow ay Soomaaliya noqon doonto meel ka caaggan argagixiso, waxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo cudurrada daashaday dalkeenna ee ay ka mid yihiin argagixisada, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa.
Raโiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti kaalintoodii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaateen dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo mar kale taabba-qaadda.
Raโiisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in Jabuuti ay tahay sokeeye maal iyo maskax galiyey sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd, kaddib burburkii Qaranka gaaray, isaga oo hoosta ka xariiqay in Dowladnimada casriga ah ee uu maanta leeyahay dalkeennu ay abaalkeeda leeyihiin dadka reer Jabuuti.