๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ ๐ฌ๐ฎ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay munaasabad lagu soo bandhigayey shirkadaha ku guuleysatay sannadkan adeegga xujeyda Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran in ay xalliso dhammaan caqabadaha la soo gudboonaan jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya gudashada acmaasha rukunka shanaad ee diinta Islaamka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badanย 8 Milyan oo dollar, kaddib markiiย meesha laga saaray musuq maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Guddiga Arrimaha Xujeyda iyo shirkadaha Soomaaliyeed ee adeegyada xajka sida wanaagsan ee ay sannadkanย u maareeyeen maamulka arrimaha xajka, waxa uuna ugu hambalyeeyey shirkadaha ku guuleystay tartanka.
DHAMMAAD