๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฏ๐ฌ, ๐๐๐น๐, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโRaโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta Degmada Heliwaa kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hayโadaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.
Raโiisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amniga Caasimada Muqdisho ahmiyad gaara siisay Xumuumadda #DanQaran taasina ay makhraati ka tahay in maanta degmada Heliwaa lagu qabto kulanka wacyi galinta iyo wada shaqaynta bulshada oo muddo kor hor aanay suuro gal ahayn.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada shaqaynta hayโadaha Amniga iyo dadwaynaha caasimadu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabad galyo ah lagu tagi karo, taasina ay qayb ka tahay isku xirnaanta shacabka iyo hayโada amniga.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen Wasiirro, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaaย Raโiisul Wasaaruhu uga mahdnaqay bulshada degmada Heliwaa wada shaqaynta iyo dhago nugaylka ay u yeesheen hayโadaha amniga, isla markaana degmooyinka kale ugu baaqay in si dhaw loola shaqeeyo heyโadaha amniga caasimada si looga cirib tiro haraadiga Khawaarijta ku gabanaya guryaheena.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia