Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlay Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga iyo xoogagga deegaanka Lambar 50

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa gobolka Shabeelada hoose maanta kula ciiday Ciidamada Qaranka iyo xoogagga xaq-udirirka deegaanka ee halganka ciribtirka Khawaarijta ka wada gobolkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dagaalka xaqa ah ee geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanku kula jiraan cadowga waxaana uu u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mar walba ku garab taagan tahay sidii Khawaarijta diinlaawe yaasha ah ee soo duushay looga xoreyn ah guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Ciidamada in si deg deg ah loogu diyaar garoobo halgan ballaaran oo cadowga looga sifeynayo dalka, isla markaana ay mar walba niyadda ku hayaan sida ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta kala amar qaadashada dhexdooda ah si cadowga uusan fursad u helin.

“Xoogga dalka Soomaaliyeed taariikh ayuu leeyahay,baalka taariikhda waxaa idinkugu qoran inaad tihiin Libaaxa Afrika, dagaalka Khawaarijta aad kula jirtaan waa laba mid, inaad guul qaadato ama aad shahiido oo aad janno gasho, marna qasaaro maleh”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

 

Booqashada Ra’iisul Wasaaruhu maanta ugu tagay geesiyaasha ayaa muujinaya sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay xoreynta dalka iyo garab istaagga geesiyaasha difaacaya jiritaanka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

__ DHAMMAAD __

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya