๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐ฃ๐ข๐ ๐ ๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐ ๐๐๐ฑ๐ง๐๐๐ง๐จ
Muqdisho, 17 Maajo, 2025:โRaโiisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo daahfuray ย wajiga 2-aad ee mashruuca Baxnaano ee daryeelka bulshada, ayaa sheegay in mashruucaani uu caawiyo dadka danyarta ah wajigiisa koowaadna uu guul ku soo dhammaaday.
Raโiisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa bogaadiyey guulihii uu xaqiijiyey masharuucan muddadii shanta sano ahayd ee uu shaqaynayey, waxa uuna faray hayโadaha ku shaqada leh in la dardar galiyo fulinta wajiga labaad, isaga oo ka mahad celiyey dadaalka la galiyey, si uu miradhal u noqdo.
Barnaamijka Baxnaano ayaa wajigiisa koowaad waxaa uu socday intii u dhexeysay 2019 ilaa 2024 ayaa waxaana ka faaโiideystay dad gaaraya 1.3 Malyan oo reer guuraa u badan, sida ay sheegtay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada oo u xilsaaran fulintiisa.
-Dhammaad-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya