Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyey geerida ku timid AUN General Morgan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ku geeriyooday dalka Kenya.
Waxaan uga tacsiyeeynayaa qoyska, Qaranka iyo guud ahaan Ciidanka qalab-sida geerida naxdinta leh ee ku timid Alle u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ahaa sarkaal ku tilmaaman karti iyo geesinimo, kaalin weynna ka soo qaatay dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Marxuumka, oo kamid ahaa saraakiishii laf-dhabarta u ahayd xilligii dowladdi dhexe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ka qaatay difaaca dalka. Isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo qeybo kala duwan oo kamid ahaa hoggaankii ciidanka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ra’iisul wasaaraha.