Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060 oo ah aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Hiigsigan oo ka kooban 7 qorshe Qaran oo 5-sanadle ah, ayaa waxa uu diiradda saaraya sidii ay Soomaaliya ku noqon lahayd dal mideysan, xooggan, nabdoon, kana mid ah waddamada dakhliga dhexe meelaha sare kaga jira, marka la gaaro sanadka 2060.
“Maanta waxay calaamad u tahay bilow cusub oo geesinimo leh oo ku saabsan horumarka Soomaaliya, iyada oo la daahfuray Hiigsiga Qarameedka 2060, waxaan qaadanay waddo mideysan oo lagu dhisayo Soomaaliya nabad ah, barwaaqo ah, oo midaysan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha
—— DHAMMAAD——