๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ก๐๐๐ค๐ก ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐ ๐ค๐ ๐ฃ๐๐ซ๐๐ฒ ๐ฑ๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐ฅ๐ ๐ฌ๐จ๐๐จ๐๐ค๐ ๐ฐ๐๐ฑ-๐ช๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xukuumadda DanQaran ku bogaadiyey guulaha iyo wax-qabadka muuqda ee ay xaqiijiyeen sanadkii la soo dhaafay, taasi oo horseeday in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeeg dowladdeed oo hufan iyo xaqiijinta hiigsiga Xukuumadda.
Madaxweynaha, ayaa xariga ka jaray Waaxda la-socodka wax-qabadka heyโadaha dowladda, kaddib munaasabad ka qabsoontay Xafiiska Raโiisul Wasaaraha, oo lagu soo xirayey la-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran, taasi oo Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, uu ku qiimaynayey wax-qabadka iyo qorshayaasha wasaaradaha wixii ka hirgalay ballanqaadkii ay kala saxiixdeen.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Qaranka la wadaagay in sanadkii dhammaaday Xukuumadda DanQaran, ayaa ku adkeeyey wasaaradaha dowladda in ay ka dhabeeyaan ballanta ay la galeen shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtuna noqon doono mid joogto ah.
Madaxweynaha iyo Raโiisul Wasaaraha, ayaa si wadajir ah abaalmarinno u guddoonsiiyey qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradaha, kuwaas oo ku mutaystay u adeegidda bulshada, hufnaanta iyo wax-qabadkooda.