Ra’iisul Wasaare Xamsa oo agaasimaha guud ee Xarunta Tubsan u magacaabay Mudane Cali Yaasiin Gurbe
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Cali Yaasiin Gurbe, Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee kahor tagga iyo La-dagaallanka Fikirada Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (Tubsan).
Magacaabistan ayaa ka tarjumaysa sida ay Xukuumadda DanQaran mudnaanta u siinayso ciribtirka khataraha Khawaarijta iyo aragtiyaha gurracan ee halista ku ah midnimada iyo amniga Qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Agaasimaha cusub u rajeeynaya in uu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee Xarunta, si ay qeyb uga noqoto dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, laguna xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed.