Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo daah-furay shirweynaha Qaran ee toddobaadka Kalluumeysiga.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa daahfuray Shirweynaha Qaran ee toddobaadka Kalluumeysiga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo madasha ka hadlay, ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay in laga faa’iideysto kheyraadka Alle na siiyey ee ceegaaga baddeenna, gaar ahaan kalluunka, isaga oo kula dardaarmay in  kor loo qaado aqoonta iyo xirfadda kalluumeysatada Soomaaliyeed.

Mudane Jabriil, ayaa ku ammaanay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah wax ka qabashada Maraakiib wadata qalab xaalufiniya badda, si loo xaqiijiyo bad-qabka Kalluunka iyo keydintiisana loo baahan yahay in la helo warshado awood u leh.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa faray Wasaaradda in ay dadajiso shuruucda muhiimka u ah ilaalinta kalluunka, si looga hor tago wax walba dhibaato ku ah kalluumeysatada dalka.

— Dhammaad —