Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Muwaadiniin laga soo daayay xabsiyada dalka Libya

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey 151 Muwaadiniin ah oo dowladdu ka soo celisay dalka Liibiya, halkaas oo ay ku dhibaataysnaayeen.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in muwaadiniin kale oo 22 ruux ah laga dajiyay Magaalada Hargeisa, isagoo muujiyey in Xukuumadda DanQaran ay dadaal dheer ku bixisay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa dalkooda.

Mudane Jibriil Cabdirishiiid ayaa ka hadlay xaaladda caafimaadka iyo nolosha ee muwaadiniintan oo xaalado adag soo maray muddadii ay ku xirnaayeen xabaiyada dalka Libya waxaana uu ku bogaadiyey go’aanka ay qaateen ee ku aaddan in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, kana joogaan khatarta tahriibta.

Dhankooda, Muwaadiniinta ayaa u mahadceliyey xukuumadda DanQaran dadaalka ay galisay sidii looga soo deyn lahaa xabsiyada, waxa ayna muujiyeen dareenkooda farxadeed ee ku aaddan in ay dowladdoodu u fududeysay in dadkooda ay dib ula midoobaan.

———-Dhammaad———-