Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30).
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee isbeddelka cimilada, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Belem ee dalka Brazil isagoo khudbaddiisa ku adkeeyay baahida loo qabo in tallaabo degdeg ah oo caalami ah la qaado si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.
Mudane Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya, ay ka mid tahay dalalka ugu nugul isbeddelka Cimilada abaaro soo laab laabtayna ay ka dhaceen ,iyaduna aysan qeyb ka ahayn wasaqowga hawada.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), oo diiradda saaraya afar qodob oo kala ah: la-qabsiga, maalgelinta cimilada, khasaaraha iyo magdhowga, iyo isbeddelka tamarta nadiifta ah.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ugu dambayn la wadaagay shirka sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado la tacaalidda iyo wax ka qabashada khasaaraha isbedelka cimilada.
Published by Ahmed Ali Kaahiye



