Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Yurub ka qabsoomay Angola
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola.
Shirka ayaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Yurub, iyada oo ay Soomaaliya halkaas ku soo bandhigtay guulaha laga gaaray dhinacyada nabadda, ammaanka, dowlad-dhiska, iyo dib-u-habeynta maaliyadda dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo madasha khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii waddo tayeynta hey’adaha dowliga, dib-u-habeynta amniga, iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah, isaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.
Dhanka horumarinta dhaqaalaha, Mudane Saalax ayaa xusay in Soomaaliya ay gaartay guulo taariikhi ah oo ay kamid tahay ka bixitaanka HIPC iyo ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo u horseedday fursado ganacsi iyo maalgashi.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, waxa uu ugu baaqay labada dhinac — Afrika iyo Yurub — in ay sii xoojiyaan iskaashiga ku saleysan kalsooni, wadajir iyo mas’uuliyad wadaag, si loo dhiso mustaqbal, horumar, barwaaqo caddaalad ku dhisan.
— DHAMMAAD —
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
E-mail media@opm.gov.so
Tell +252771770958
https://www.facebook.com/OPMSomalia
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
https://www.instagram.com/opmsomalia
https://www.youtube.com/@opmsomalia9471





