Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka u magacaabay Mudane Axmed Xasan Yuusuf.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudane Axmed kula dardaarmay hufnaan, daacadnimo, iyo xil-gudasho.
