Muqdisho, Maarso 10, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo galabta ku geeriyooday dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;
| 1. |
Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye |
| 2. |
Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen |
| 3. |
Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin |
| 4. |
Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin |
| 5. |
Xasan Xuseen Xaaji, Xubin |
| 6. |
Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin |
| 7. |
Durraan Axmed Faarax, Xubin |
| 8. |
Cumar Cali Rooble, Xubin |
| 9. |
Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin |
| 10. |
Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin |
| 11. |
Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin |
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.