Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Baaritaanno La Sameeyay Ayaa Lagu Xaqiijiyay in 24-kii Saac Ee Lasoo Dhaafay Ay Soo Kordheen Xaalada Cusub Oo COVID-19 Ah

Muqdisho; Axad, May 03, 2020 —-Wasaaradda caafimaadka xukuumadda ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay rag 19-na haween.

37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12 Puntiland, labana Galmudug.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
Facebook:
OPMSomalia
HassanAliKhaire
instagram:
hassanakhaire
opmsomalia