Hoggaanka Dalka Oo Caddeeyay In Laga Soo Gudbay Xilligii Ajaanibtu Ay Dhex-dhexaadin Jireen Madaxda Dalka
Muqdisho, September 17, 2018–Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in hoggaanka dalku uu diyaar u yahay in la xalliyo tabashooyinka siyaasadeed, isaga oo caddeeyay in laga soo gudbay xilligii shisheeye ay dhex-dhexaadin jireen khilaafaadka gudaha.
“Waxa aan soo dhawaynanaa wax walba oo tabasho siyaasadeed ah oo dalkaan ka jira in la isugu tanaasulo iyada oo loo danaynayo dadka Soomaaliyeed ee u baahan dawlanimada”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.
“Waxa aanan soo dhawaynaynin in la yiraahdo daraf sedexaad oo ajnabi ah hana soo dhex galo. daraf sedaxaad waa dhaqankii aan soo baranay oo la dhihi jiray ajaanibtu ha u kala gar qaaddo madaxda. Waa lasoo dhaafay xilligii shacabka Soomaaliyeed ay aqbali jireen in madaxdooda ay ajaanib u kala turjunto”, ayuu ra’iisul wasaaruhu raaciyay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen faragelin shisheeye xilligaanna aysan oggolayn in wali uu gacanta kula sii jiro siyaasadda dalka.
“Haddii aan madax nahay waa in aan ogaannaa in shacabka Soomaaliyeeed aysan naga yeelayn, nagana aqbalayn in ajnabi na dhexdhexaadiyo, maadaama shacabka Soomaaliyeed yeelayn annaguna ma yeeli karno wax shacabkeenu aysan ogollayn, sababta oo ah in aan maqalno rabitaanka shacabka waa qayb kamid ah isla xisaabtanka saldhigga u ah dawladnimada hadda inoo dhisan. Ma yeelayno in 20 sano ka badan aan dib u noqono”, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxa uu sheegay in uusan garanayn cidda lagu raalli gelinayo in Muqdisho lagu asteeyo magaalo aan marti gelin karin shir ay yeeshaan madaxda dalku, isaga oo caddeeyay in caasimaddu ay tahay astaanka qarannimada iyo magaala u dhexeysa ummadda Soomaaliyeed.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM
https://www.facebook.com/