R.W. Khayre oo ka Qayb galay Xaflada Caleemasaarka Madaxwaynaha Hirshabeele
MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay xafalada Caleema saarka Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Awaare, oo dhawaan ay doorteen Xil-dhibaanada Hirshabeele.
Waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Aqalka Sare, Xil-dhibaano, madaxda Maamul Goboleedyada, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Xubno ka socday Safiirada wadamada caalamka.
Ra’iiusul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray shacabka iyo Madaxwaynaha Hirshabeele , waxuuna balan qaaday in uu kala shaqayn doono dib-u-heshiisiinta, Is-cafiska, Kalsooni abuurista iyo dib-udhiska dhamaan shacabka ku dhaqan Hirshabeele iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
“Munaasabadani waxay ku soo aaday iyadoo dalkeenu uu ku jiro tacsi tiiraanyo leh, dhacdadii 14-kii bishan waxay noo sheegaysaa in ay ahayd tusaale aan ka baranayno dhibkii na soo maray, waxayna isku soo dhawaynaysa quluubteena, sidoo kalena hadii uu jiray waxyar oo khilaaf ah waan in aan ilownaa ” Ayuu yiri R/W Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa cadeeyay in madaxda dawladda dhaxe ee Soomaaliya ay diyaar u yihiin in mar walba ay Maamul Goboleedyada dalka kala shaqeynayaan soo dhisada hay’adaha dawladda, sugida amniga iyo horumarinta deegaaanadooda, si nidaamka federaaliga ah hoos loogu daadajiyo.
R/W Khayre ayaa sidoo kale tilmaamay in nidaamka federaalisimka uu yahay go’aan ay qaateen shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan ka shaqeynaynaa in aan xoojino federaalisimka dalka, si loo sameeyo maamul baahin, dadkuna ay uga faa’idaystaan adeegyada dawladnimo.
Abdirahman Moallim Hussein
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM