Ra’iisul Wasaare Khayre Ayaa Cambaareeyay Weerarka Kismaayo
Dhuusamareeb, Jime, July 12, 2019— Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Cambaareeyay weerarka wuxuushnimada leh ee argagixisadu ku qaadeen dadk aan waxba galabsan ee ku sugnaa hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan ehelada iyo qoysaska ay baxeen dadkii maanta ku shahiiday weerarka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidadamada Qaranka ee ku howlan soo afjaridda maleeshiyada argagixisada ah.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia