Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Ethiopia

Muqdisho, Arbaco, Maarso 18, 2020—Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan miro dhal ah magaalada Addis Ababa kula qaatay dhiggiisa dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda caabuqa Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dal.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale ka wada hadlay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo kaalinta ay labada dowladood si wadajir ah uga qeyb qaadan karaan.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
Facebook:
OPMSomalia
HassanAliKhaire
instagram:
hassanakhaire
opmsomalia