Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Wajiga Labaad Ee Dib-u-qaabeynta Ciidamada Xoogga Dalka
Muqdisho, Axad, September 01, 2019— Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kharye ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddiga u xil saaran wajiga labaad ee dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida
kulanka dhex maray guddiga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay sida ay u socdaan howlaha guddiga iyo dardar-gelinta dib-u-habeynta ciidamada qaranka, si loogu guuleysto howlaha dib-u-dhiska ciidamada.
Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay shaqooyinka ay soo qabteen intii ay ku jireen wajiga labaad dib-u-qaabeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga faray in ay dardar-geliyaan howlaha ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia
https://www.facebook.com/HassanAliKhaire