Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kumannaan Dadwayne Ah Kula Hadlay Magaalada Caabuudwaaq Ee Gobalka Galguduud

Caabuudwaaq, Jimco, June 28, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Cadaado ayaa waxaa magaalada Caabuudwaaq kusoo dhaweeyay madaxwayne ku-xigeenka Galmudug, Wasiirro, xildhibaanno iyo maamulka Caabduudwaaq iyo kumannaan dadwayne ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa fagaaraha magaalada Caabuudwaaq waxa uu khudbad ugu jeediyay kumannaan dadweyne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ayaa khudbadda uu jeediyay uga hadlay qorshaha safarka uu ku marayo deegaannada Galmudug oo ku salaysan qayb ka qaadashada dhismaha maamulka Galmudug, waxa uuna gaarsiiyay farriin uu uga siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday reer Caabuudwaaq in ay qayb ka qaataan dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, sal adag, ka shaqaysa danaha reer Galmudug, wada-shaqayn wanaagsanna ay kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado kulamo wadatashi ah kula soo yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta ayaa inta uu joogo Caabuudwaaq waxa uu sidoo kale la fariisanayaa bulshada deegaanka si ay taladooda ugu daraan dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so 
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/ 
Twitter: 
@SomaliPM 
@HassanAKhaire 
https://www.facebook.com/OPMSomalia