Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Safiirka Djibouti Ee Soomaaliya

Muqdisho, September 22, 2018–Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Amb. Aden Xasan Aden.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Danjire Aden Xasan Aden ayaa ka wada hadly xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, ka faa’iidaysiga fursadaha waawayn ee golabalka geeska Afrika, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa  uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen oo ay uga qayb qaateen dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka xilligii adduunyada inteeda kale ay u arkayeen in Soomaalidu aysan lahayn reja kale oo dawladnimo.

Danjire Aden Xasan Aden ayaa sheegay in shacabka iyo dawladda Djibouti ay waajib ku tahay is garab taagga iyo taageerada shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, isaga oo ka dhawaajiyay in Djibouti ay tahay Soomaaliya, sidoo kale Soomaaliya ay tahay Djibouti.

Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa leh xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM
https://www.facebook.com/OPMSomalia