Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb, Isniin, June 24, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre oo safar shaqo uga billaawday Gal-mudug ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Gal-mudug.

Madaxa Xukuumadda Gal-mudug, mas’uulyiin kale oo ka tirsan dowlad gobaleedka Galmudug, wasiirka arrimaha gudaha XFS, wasiirro kale, xildhibaanno iyo qaybo bulshada magaalada ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo safarkiisa ku wehliyaan wafdi ay kamid yihiin wasiirrada amniga gudaha, Boostada iyo kalluumaysiga ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb waxa uu kulamo la qaadanayaa bulshada qaybaheeda kala duwan.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so 
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/ 
Twitter: 
@SomaliPM 
@HassanAKhaire 
https://www.facebook.com/OPMSomalia