Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Booqday Xarumaha Qaar Kamid ah Shirkadaha Dhismaha Iyo Gawaarida Shiinaha

Hunnan, Shiinaha, Jimco, June 28, 2019 — Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan dalka, ayaa maanta booqasho ku tegay xarumaha sedax shirkadood oo laba kamid ah ay ka shaqeeyaan soo saarista qalabka culus ee dhismaha iyo shirkad soo saarta gawaarida.

Kadib ka qayb galkii carwada Gobalka Hunnan ee Shiinaha lagu qabtay shalay ee dalalku kusoo bandhigayeen waxyaabaha ay u iib geyn karaan dunida kale, ayaa shirkadaha Sany, SAIC Volkswagen Automotive Co., Ltd iyo China Railway Construction Heavy Industry Co Ltd, waxa ay Ra’iisul Wasaar ku-xigeenka ku casuumeen in uu booqdo xarumahooda si ay uu u arko waxyaabaha ay soo saaraan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la tusiyay dhammaan waxyaabaha ay soo saaraan shirkadaha ay booqdeen, waxa ayna maamullada shirkaduhu u sheegeen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka in ay ku hamminayaan in qalabka ay soo saaraan loo iib keeno dalka Soomaaliya.

Shirkadda SAIC Volkswagen Automotive Co., Ltd waxa ay kamid tahay shirkadaha  sameeya gaadiidka  ee laga leehay dalka Shiinna, Shirkadda China Railway Construction Heavy Industry Co. Ltd. ayaa iyana soo saarta mashiinnada dhismaha halka shirkadda Sany Heavy Industry Co., Ltd. ay soo saarto qalabka culus.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so 
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/ 
Twitter: 
@SomaliPM 
@HassanAKhaire 
https://www.facebook.com/OPMSomalia