Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah golaha Wasiirada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyey qaar ka mid ah golaha Wasiirada isagoo isku badalay wasiirada qaar.
Ra’iisul wasaaraha ayaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay u magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirkii arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi ayuu u magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, halka Wasiirkii Gaashaandhigga Jabriil Cabdirashiid Xaaji uu u magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad.
—-Dhammaad—
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya