Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Raisul Wasaare Khayre oo shir dib u heshisiin ah u furay beelo ku dagaalamay Gobolka Sh/hoose

MUQDISHO —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay kulan dib loogu heshiisiinayo beelo ay colaad ku dhexmartay degmada Marka ee Shabeellaha Hoose, waxaana lagu soo bandhigay geeddi-socodka nabadda ee degmadaas iyadoo laga soo saaray todobo qodob ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Shirkan oo ay daadihinayso Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Xildhibaanada labada Aqal, Dhammaan waxgarad matalaya beelaha wax kala tirsanaya iyo Bulshada degan gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiya Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka sheekeeyay taariikhda iyo khayraadka uu leeyahay gobolka, ayaa dhammaan ka soo qayb galayaasha u soo jeediyay in au u xusul duubtaan sidii ay u xoojin lahaayeen heshiiska ay maanta gaareen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkan dib-u-heshiinta ah ee lagu nabaddeynayo walaalaha ay dhibtu kala gaartay, waxuuna tilmaamay inay shacabka Soomaaliyeed u diyaarsan yihiin nabadaynta dalka iyo in laga heshiiyo waxkasta oo laga dhexlay burburkii dawladnimo.

“Soomaaliya waa dal ay ku nool yihiin Bulsho isku af , dhaqan iyo diin ah, taasina waxay inoo fududaynaysaa inaan ka gudubno caqabadaha noo diidan inaan noqono bulsho ku nool dhul ay ka jirto amni iyo nabad dadyowga caalamkuna uu ku daydo” ayuu yiri raisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa faray Odayaasha dhaqan, Siyasiinta iyo bulshada ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose in ay meel uga soo wada jeestaan nabadaynta maanta ka bilaabatay gobolkooda, kuna dadaalaan meel-mirinteeda, waxuuna u mahed-celiyay cid walba oo ka qayb qaadatay dib-u-heshiisiintan.

“Nabadu waa mida aan anaggu samaysan karno sidaas awgeed waa inaan aqbalnaa codsiga ay noo soo bandhigeen dadkii dushooda lagu dagaalamay, si ay qalbiyadeenu iskugu furmaan. Taasina waxay noqonaysaa midii midayn lahayd Soomaaliya oo dhan.” ayuu hadalkiisa intaa ku daray Mudane Khayre.


Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM