Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Xog-hayaha Joogtada Ah Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo La Shiray Agaasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta, Kalluumaysiga iyo Tamarta.

Muqdisho, Sabti, June 22, 2019 —Xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Warfaafinta, Kalluumaysiga iyo Tamarta.

Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi oo agaasimayaasha guud ku booqday wasaaradaha ayaa kala hadlay wixii uga qabsoomay halbeegyada ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee ay ballan qaadeen in sannadkaan 2019 gudihiisa ay ku fulinayaan.

Intii ay socdeen kulamada oo qayb ka ahaa qorshaha isla-xisaabtana, daah-furnaanta, iyo hufnaanta oo loo daadejiyay heer agaasime guud ayuu Dr. Axmednuur war-bixinno uga dhagaystay agaasimayaasha guud, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan ka guul qaaridda qorsha sannadeedka ay horay u ballan qaadeen.

Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa sannadkaan billaawgiisii waxa ay Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee tubaha qaranka ay ku leeyihiin oo ay sannadkaan gudihiisa doonayaan in ay ku guuleystaan fulintooda.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so 
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/ 
Twitter: 
@SomaliPM 
@HassanAKhaire 
https://www.facebook.com/OPMSomalia