Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Xukuumadda Oo Ansixisay Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed

Muqdisho; Khamiis, April 18, 2019 –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu ansixiyay Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharcigaan oo ay usoo gudbisay wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga Soomaaliyeed.

Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo laga soo aruuriyay sharciyadii iyo xeerarkii dalka ee tayo-dhowrka dalka, horumarinna lagu sameeyay ayaa la gaarsiiyay habka caalamiga ah ee tayo-dhawrka.

Ujeedada sharciga ayaa ah in horumarin lagu sameeyo siyaasadda Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka qaranka, in la dhowro xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo bad-qabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so 
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/ 
Twitter: 
@SomaliPM 
@HassanAKhaire 
https://www.facebook.com/OPMSomalia