Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Xukuumadda Oo Taageertay Go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ay Ka Qaadatay Doorashooyinkii Jubaland Ee Baal Marsanaa Habraaca Doorashooyinka

Muqdisho, Khamiis, Agoosto 29, 2019—Golaha Wasiirraada Xukuumadda Federaalka ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii aan loo marin habraaca saxda ah ee ka dhacay Kismaayo.

Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubaland.

Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Xasan Cali Khayre ayaa goluhu waxay uga hadleen xaaladda deegaannada Jubaland, iyaga oo isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so 
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/ 
Twitter: 
@SomaliPM 
@HassanAKhaire 
https://www.facebook.com/OPMSomalia 
https://www.facebook.com/HassanAliKhaire