๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐ ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐๐๐ ๐ช๐๐ฅ๐๐๐ค๐ ๐ฌ๐ข๐๐
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka oo toddobaadkan guulo taariikhi ah ka soo hooyay furimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.
Shirka Golaha oo uu shir guddoomiyay Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guudย ee amniga, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka, iyo sidoo kale hawsha iyo dadaalka ay waddaan guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.
Dhinaca kale Golaha ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo qeexaya dib-u habeynta nidaamka shaqo iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda, isaga oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).
โ Dhammaad โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
https://opm.gov.so/
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/