Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Labaad oo guddoomiyey shirka guddiga abaabulka dagaalka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ahna Guddoomiyaha Guddiga  Qaran ee taageerada Dagaalka Khawaariijta, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Guddi Hoosaadka abaabulka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta Shabaab iyo Daacish.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha taakuleynta ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan jiidaha hore, xoojinta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, iyo garab istaagga joogtada ah ee la siinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey qorsheyaasha lagu xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo maamulka heerarka kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo guulo waaweyn oo laga gaaro dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada.

— Dhammaad —

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

https://opm.gov.so/

https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/