𝗥𝗔’𝗜𝗜𝗦𝗨𝗟 𝗪𝗔𝗦𝗔𝗔𝗥𝗘 𝗫𝗔𝗠𝗦𝗔 𝗢𝗢 𝗫𝗔𝗥𝗜𝗚𝗚𝗔 𝗞𝗔 𝗝𝗔𝗥𝗔𝗬 𝗫𝗔𝗥𝗨𝗡𝗧𝗔 𝗕𝗔𝗡𝗚𝗜𝗚𝗔 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗚𝗚𝗔 𝗤𝗔𝗥𝗔𝗡𝗞𝗔.

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟬𝟱, 𝗔𝘂𝗴𝘂𝘀𝘁, 𝟮𝟬𝟮𝟯–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso horumarinta iyo soo-nooleynta adeegyadii bulshada oo ay ugu horreeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada hirgelinta xaruntani oo ka tarjumeysa xaqiijinta yool muhiim ah, maadaama uu dalkeennu kamid yahay waddamada ay ka dhacaan musiibooyinka, taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa in la helo xarun keydisa dhiigga.

Bangiga Dhiigga Qaranka oo la aas-aasay sannadkii 1976 dii ayaanan hawlgelin muddo ku dhow soddon sanno, waxaana dib-u-howlgelintiisu ay buuxin doontaa baahi weyn oo ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan keyd loogu hagaago dhiigga.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
instagram:
opmsomalia