๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ต๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎโ ๐ฑ๐ฎ๐น ๐ต๐ผ๐ฟ๐๐บ๐ฎ๐ฟ ๐บ๐ฎ ๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ ๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ผ, ๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐๐๐๐ฎ๐ป ๐ธ๐ผ๐ฟ ๐ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ป ๐ฎ๐พ๐ผ๐ผ๐ป๐๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ถ๐ถ๐๐ฎโ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฌ๐ฑ, ๐๐๐ด๐๐๐,ย ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedka 2022/23, ayaa abaalmarinno guddoon siiyey qaar kamid ah ardeydii gashay kaalimaha hore.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan ardeyda imtixaanka gudubtay, gaar ahaan kuwooda ku jira 10ka kaalin ee muujiyey dadaalka dheeriga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dal uusan horumar gaari karin, haddii uusan kor u qaadin aqoonta dadkiisa, si taas loo xaqiijiyana ay Xukuumadda DanQaran howlgelisay saddex kun oo macallimiin ah oo bilow u ah Qorshaha Qaran ee dib loogu soo nooleynayo waxbarashadii dalka.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo cid walba oo door ka qaatayย qabsoomidda imtixaankan oo sannadkii sagaalaad oo xiriir ah ay qaadeyso dowladdu.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa mar kale ku celiyey baaqiisii la xiriiray in la banneeyo xarumaha danta guud ee ay deggan yihiin shacabka, gaar ahaan kuwa ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada, si wax loogu baro ubadka Soomaaliyeed.