๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ โ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐น๐ถ๐ป๐ธ๐ ๐๐ฎ๐ฎ ๐ต๐ฎ๐น๐ด๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฎ ๐ป๐ฎ๐ณ๐๐ถ๐ถ๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐บ๐ฎ๐๐ธ๐ฎ๐ ๐ฑ๐ถ๐ถ๐๐ฎ ๐ ๐ต๐๐ฟ๐ฎ๐๐ฎ ๐ฏ๐ฎ๐ฟ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ป ๐๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑโ.
Muqdisho, Khamiis, 21 Nofeembar 2024: โย Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in macallinka Soomaaliyeed looga fadhiyo in uu soo saaro arday leh waddaniyad, kana hufan musuq, eex iyo qabyaalad, kuwaas oo kamid ah dhibaatooyinka saameynta taban ku yeeshay dadkeenna.
Raโiisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo sanad walba la maamuuso 21-ka Nofeembar, ayaa xusay muddadii labada sano ahayd ee ay shaqeynaysay Xukuumadda DanQaran in la shaqaaleysiiyey 6,000 oo macallin, lana gaarsiin doono ilaa 10, 000 mustaqbalka dhow.
Mudane Xamsa, ayaa bogaadiyey doorka macallimiinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed iyo saameynta wanaagsan ee ay ku leeyihiin mustaqbalka dalka, isaga oo ku boorriyey bulshada in ay taageeraan waxbarashada, si loo helo jiil aqoon leh oo ka guul gaara horumarinta dalka.
โMacallinku waa halgamaa naftiisa iyo maskaxdiisa u huraya barbaabarin ubadka Soomaaliyeed, waxa ay saldhig u yihiin mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed, waxaana bogaadinayaa doorka aad ka qaadataan horumarka Qaranka, waxaana naga goโan in aan garab istaagno macallinka Soomaaliyeed oo ku shaqeeya duruufo adag, heeganna ugu jira badbaadada ubadka Soomaaliyeedโ.
Waxa uu Raโiisul Wasaaruhu ballan qaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu taageerayo waxbarashada iyo horumarinta tayada macalimiinta, taas oo tiir-dhexaad u ah horumarka bulshada iyo ciribtirka jahliga.