Golaha Wasiirrada Oo Yeeshay Kulan Aan Caadi Ahayn

Muqdisho; Jimce, April 05, 2019 —Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa waxa ay Muqdisho ku yeesheen Kulan aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda amniga dalka.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa warbixin looga dhagaystay guddiga amniga ee dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u magacaabay in ay kasoo talo bixiyaan qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiiska Caymiska ee ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo Hay’adda Damaanadda Darafyada Badan (MIGA)

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter: 
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia