๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ณ๐๐ถ๐ด๐ถ๐ถ ๐๐ ๐ต๐ผ๐ด๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐ป๐ฎ๐ฎ๐๐ฒ๐ ๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฑ๐ถ๐ฏ ๐๐ด๐ ๐๐ผ๐ผ ๐น๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐๐ฎ๐
๐ ๐จ๐ค๐๐๐ฆ๐๐ข: ๐ต ๐ฆ๐ฒ๐ฏ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay booqasho rasmi ah ku tageen dalka Qatar.
Mudane Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxaa kulamo kala duwan uu la yeeshay Raโiisul Wasaaraha Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani, masuuliyiin kala duwan iyo ganacsatada dalka Qatar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Qatar.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kala hadlay madaxda dowladda Qatar sidii ay u ballaarin lahayd taageerada xagga amniga, mashaariicda horumarinta iyo maalgashi ay ganacsatada Qatar ku sameystaan dalkeena, qodobaasi oo dhammaantood labada dowladood isku afgarteen.
Wafdiga Raโiisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia