Shirka golaha Wasiirada oo lagu ansiyey heshiis dhex maray Soomaaliya iyo Sacuudiga
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiis is afgarad dhinaca Milatariga iyo amniga ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Shirka Golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga, guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta, warbixin ku saabsan arrimaha Xajka iyo sidoo kale guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo warbixin laga dhageystay.
-Dhammaad-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya