Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyey geerida AUN xildhibaan hore Suuri Diiriye Carab
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Suuri Diiriye Carab oo muddo dheer ka tirsanayd Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Marxuumaddu waxa ay door weyn ka soo qaadatay dhismaha Jamhuuriyadda seddaxaad ee Soomaaliya, waxaana ay kamid ahayd xubnihii Xildhibaannada ahaa ee lagu soo doortay Carta sanadkii 2000, iyada oo kaalin firfircoon ku lahayd geeddi-socodka dowlad dhiska dalka ee soo maray marxaladaha kala duwan.
Waxaan Alle u weydiinayaa marxuum Suuri in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodey.