Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyey Geerida AUN Suldaan Cabdulqaadir Lugadheere
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad Dowlad-goboleedka Jubbaland, oo ahaa oday Soomaaliyeed oo door weyn ka soo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta, wadajirka iyo dhismaha dowladnimada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in marxuumku uu tiir dhexaad u ahaa had iyo goorna u taagnaa ka shaqeynta midnimada, wadajirka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Jubbaland iyo sidii ay u heli lahaayeen nabad waarta iyo dowladnimo sal-adag.
Mudane Xamsa, ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu ka waraabiyo naxariistiisa Jannatul Firdows, ehelka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.