๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐๐๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐๐ซ๐๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐๐ฌ๐ซ๐๐โ๐ข๐ข๐ฅ ๐ค๐ฎ ๐ช๐๐๐๐๐ฒ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ญ๐๐ซ
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israaโiil u gaystay dalka Qatar gaar ahaan magaalada Doha.
Golaha, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Qatar, ayna si cad u diiddan tahay gardarrada iyo xadgudubyada kahor imaanaya dhammaan xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah.
Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Baarista iyo Ilaalinta Hilibka, Sharcigan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS, ayaa nidaamin doonaa fayo-dhawrka, badqabka iyo Tayada hilibka.
โ Dhammaad โ