Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hormarka ka jira caasimadda, waxa uu ka muuqdaa sida uu galabta u eg yahay Stadium Muqdisho.”
Muqdisho, Jimce, 26 Sebteembar 2025:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo galabta furay tartanka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir, degmooyinka Balcad iyo Warsheekh, ayaa sheegay in isku imaatinka bulshada ee heerkan ah uu ka tarjumayo nabadda iyo horumarka ka jira caasimadda, isla markaana uu dhallinyarada u jiheynayo dhanka nabadda.
“Hormarka ka jira caasimadda, waxa uu ka muuqdaa sida uu galabta u eg yahay Stadium Muqdisho, wajiga dhabta ah ee magaalada waa midkaan aan galabta aragno, nabaddu ha waarto.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda ciyaaraha, qabashada tartankan oo xiiso gaar ah leh, waxaana uu ku dhiirri-geliyey maamulka ciyaaraha in ay sii xoojiyaan tartamada noocaan ah, si bulshada Soomaaliyeed loogu jiheeyo nabadda, isdhexgalka iyo horumarka socda.
———DHAMMAAD——-