Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Muqdisho ka furay kulan lagu xoojinayo Isticmaalka Luqadda Carabiga.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay diyaarisay siyaasado iyo go’aanno rasmi ah oo lagu horumarinayo waxbarashada, iyo Af-Carabiga, maadama uu yahay tiir kamid ah dhismaha iyo isku xirka bulshooyinka ku midaysan ururka Jaamacadda Carabta.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in Af-Carabigu uu yahay aqoonsigeenna diineed iyo xiriirkeenna dunida Carabta iyo Islaamka, loona baahanyahay in labada luuqadood ee Soomaaliga iyo Carabiga ay isu noqonayan noqdaan garab iyo gaashaan isu dhameystiran.
Mudane Xamsa, oo ka qeyb galay furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliya, ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta iyo horumarinta afafka Qaran, kuwaas oo saldhig u ah dhaqanka, midnimada iyo horumarka bulshada.
— Dhammaad —