Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo ka qeyb galay xuska maalinta dalxiiska Soomaaliya
Muqdisho, Talaado, 30 Sebteember 2025: Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayey maalinta Dalxiiska Soomaaliya,ayaa sheega in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisay adeegyada dalxiiska iyo horumarinta kaabayaasha dalxiiska dalka.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in dalxiisku yahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha dalka, kor-uqaadista xiriirka Bulshada iyo Caalamka iskaashi joogta ah lala yeesho gaar ahaan urur goboleedka Bariga Africa iyo IGAD.
“Dalkeenu waxaa uu leeyahay kheyraad dabiici ah iyo dhaqan soo jiidasho leh, Xukuumadda Danqaran waxaa ay dhiirigelinaysaa maalgashiga Kaabayaasha dhaqaalaha sida Waddooyinka, Garoomada diyaaradaha, Dekedaha, Amniga iyo dhammaan adeegyada taageera Dalxiiska”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ugu danbeyn bogaadiyey howlwadeenada ka shaqeeya arrimaha Dalxiiska dalka.
———-Dhammaad———-